Goorta ay billaabaneyso maxkamadeynta Donald Trump

New York (Caasimada Online) – Garsooraha New York ee guddoominaya kiis dambiyeedka Donald Trump ayaa Khamiistii weydiistay dacwad-oogayaasha iyo qareenada difaacaya Trump inay isku raacaan waqti ka mid ah bilaha Febraayo ama Maarso ee sanadka dambe.

Amarkan ayaa ka dhigan in maxkamadeynta taariikhiga ah ee la xiriirta lacag aamusin ah oo la siiyey gabar sameysa aflaamta gogol dhaafka ay dhici doonto xilli lagu guda jira doorashooyinka is-reeb-reebka ah ee Xisbiga Jamhuuriga, oo Trump uu doonaya inuu noqdo musharaxa kusoo baxa si uu doorashada guud u wajaho madaxweyne Biden.

Garsoore Juan Merchan ayaa sheegay in marka la isku raaco taariikhda, in dhammaan dhinacyada, oo uu ku jiro Trump aysan waqtiyeyn karin munaasabado kale.

“Ma ogolaan karo dhacdooyin kale oo hadal laga jeedinayo ama laga soo muuqanayo inta maxkamadda ay socoto,” ayuu Merchan ka yiri maxkamadda Manhattan, halkaasi oo Trump uusan xaadirin.

Hadalladiisa ayaa yimid intii uu socday dhageysigii koowaad ee tan iyo markii Trump la horgeeyey maxkamadda bishii tagtay, isaga oo wajahaya 34 xisaab dacwadeed oo ku saabsan inuu ka been sheegay diiwaan ganacsi.

Merchan ayaa dhageystay doodo ku saabsan codsi ay soo jeediyeen dacwad-oogayaasha oo ahaa in Trump laga mamnuuco inuu dacaayad ka dhigto qeybo ka mid ah kiiska maxkamadeynta.

Garsooraha ayaa sheegay in marka uu go’aan gaaro Trump looga baahnaan doono inuu maxkamadda uga soo hor muuqdo hab fogaan arag si loogu wargeliyo.

Trump ayaa beeniyey dacwadaha ku saabsan inuu qareenkiisii hore Michael Cohen u celiyey lacag dhan $130,000 oo la siiyey gabadha jisha filimada gogol dhaafka ah Stormy Daniels.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in lacagtan, oo la bixiyey 2016-kii, looga dan lahaa in lagu aamusiyo Daniels si aysan u sheegin gogol la dhaaf ay sheegtay in sanad kahor xilligaas la sameysay Trump.

Trump waa madaxweyne hore ama mid xil haya kii ugu horreeyey ee dacwad dambi lagu soo oogo.

Kiiskan waa mid ka mid ah dhowr caqabado sharci ah oo uu wajahayo Trump oo ah 76 jir doonaya inuu mar kale kusoo laabto Aqalka Cad sannadka dambe.