SHIRKAD laga leeyahay dal kale oo ku guuleysatay dhismaha Suuqa Waaheen

Hargeysa (Caasimada Online) – Shirkad laga leeyahay dalka Eswatini ee dhaca koonfurta Afrika ayaa ku geeleysatay dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Shirkaddan ayaa lagu magacaabaa INYATSI CONSTRUCTION COMPANY, waxaana si rasmi ah u shaaciyay inay ku guuleystay dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen guddida qandaraasyada ee Somaliland.

“Guddida Qandaraasyada Qaranku, wax ay shacabka reer Somaliland ogaysiinaysaa in ay soo gebo-gebeysay ‘qandaraaska dhismaha suuqa Waaheen’ oo illaa 9-aad ee sanadkii 2022 ay guddidu gacanta ku haysa,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday guddida qandaraasyada ee Somaliland.

Tartanka ay kusoo baxday shirkadaan laga leeyahay dalka Eswatini ayaa waxa uu guddidu sheegay inuu maray marxaladdo kala duwan, kuwaas oo dhowr jeer dib u eegis xayaysiin iyo dib u xayaysiin-ba lagu sameeyo, iyada la raacayo xeerka qandaraasyada qaranka iyo habraaca qandaraas bixinta dhismayaasha iyo xeer-nidaamiyaha qandaraas bixinta Somaliland ee LR.2022.

“Guddida Qandaraasyada Qaranku, wax ay qiimeyn dheer kadib ay ku qanacday in shirkadda Inyatsi Construction Company oo kamid ah shirkadaha Inyatsi Group of Companies, fadhigeeddunna yahay dalka Eswatini ee Koonfurta Afrika ay ku guulaysatay dhismaha suuqa Waaheen.”

Warqada kasoo baxday guddida qandaraasyada Somaliland ee lagu shaaciyay shirkada ku guuleysatay dhismaha suuqa Waaheen, in shirkaddan ay kamid tahay shirkaddaha ugu waaweyn Afrika, islamarkaana ay shaqooyin badan ka wado meelo badan oo kamid ah dalalka Afrika.

Suuaqa Waaheen oo ah kan ugu weyn caasimadda Somaliland ayaa waxa uu gebi ahaanba ku shuf beelay dab ka kacay sanadkii hore, waxaana la qorsheeyay in laga dhiso suuq casri ah oo aan tayo ahaan aad u sarreeya, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland.