Daawo: MADAALE oo Muqdisho ka daah-furay mashruuc 7 sano kahor uu ka hirgeliyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 7-sano kadib caawa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah-furay dib usoo nooleynta mashruucii “Dalkaaga ku dhiso hal dollar”.

Mashruucan oo ahaa mid horey u hirgalay, islamarkaana lagu dhisay qaar kamid waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa waxa markale ku dhawaaqay guddoomiye Madaale.

Daah-furka mashruucan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee maamulka gobolka, aggaasimayaal, guddoomiyaasha degmooyinka, ganacsato, culuma-udiin iyo hoggaanka ururada bulshada rayidka.

Munaasabaddan ayaa waxaa lagu soo bandhigay muhiimadaha uu xambaarsan yahay barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa mashruucan u xushay dardar-galinta horumarinta bilicda gobolka Banaadir, gaar ahaan dib udhiska waddooyinka iyo hoos u daadajinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Dib usoo nooleynta mashruucan ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli uu guddomiye Madaale uu maalmo kahor magaalada Muqdisho ka daah-furay barnaamijka (MAR KALE IFI MAGAALADAADA) oo lagu naleynaayo casimadda dalka.

Si kastaba, caasimadda ayaa waxaa ka billowday naleynta caasimadda, oo lagu bilaabay wadada dheer ee Makka Al-Mukaramma, iyada oo maamulka gobolku u qorsheeyay barnaamijkan lacag dhan $2,500,000.

Hoos ka daawo