Mareykanka oo shaaciyay ‘arrin uu la wadaagay’ Muuse Biixi iyo ballan-qaad uu ka helay

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ay kala hadashay walaaca ay ka qabto dagaalka Laascaanood, gaar ahaan dhibaatada bini’adamtinimo ee ka dhalatay dagaalkaasi oo socda muddo ka badan saddex bilood.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraa ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in madaxa USAID ee Soomaaliya uu madaxweyne Muuse Biixi la wadaagay walaaca ay dowladdiisu ka qabto arrintaasi.

Sida lagu sheegay qoraalka Safaaradda Mareykanka Mudane Biixi ayaa waxa uu ka garaabay soo jeedinta madaxa USAID, isaga oo u ballan-qaaday inuu xabad joojin uu sameynayo iyo sidoo kalena uu diyaarinayo khariidadii doorashada, xilli uu soo laba kacleeyay khilaaf la xiriira doorashooyinka maamulka.

“Agaasimada USAID ee Soomaaliya Lawrence ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la wadaagay walaac wayn oo ay ka qabaan saamaynta aadanninimo ee ay sababtay colaadda Laascaanood, wuxuuna ku booriyay in xal nabadeed laga gaadho,” ayaa lagu yidhi qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Muuse Biixi Cabdi waxa uu kaga jawaabay arrintaan ballan-qaad xabad-joojin, wuxuuna aqoonsaday muhiimada khariidada doorashooyinka.”

Dagaalka Laascaanood oo qaatay muddo ka badan saddex bilood ayaa illaa hadda laga garin wax xal, ayada oo ciidamada labada dhinac ee halkaasi ku dagaalsan ee Somaliland iyo SSC ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Laascaanood.

Colaadda Laascaanood ayaa galaafatay nolosha boqolaal qof, halka ay ku barakicisay badiba dadkii reer Laascaanood, oo ayagu xaalado bini’aadannimo ku wajahay deegaanada iyo gobollada kale ee ku dhow halkaas.

Si kastaba, Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood waxay Somaliland ku cadaadineysay in ay ka dhabeyso xabad-joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana xiisadda taagan xal looga gaaro miiska wada-hadalka.