Caro xooggan oo ka dhalatay dil uu geystay askari ka tirsan ciidanka Somaliland

Boorama (Caasimada Online) – Cadho dad weyne oo xooggan ayaa ka dhalatay dil askari ka tirsan ciidanka Somaliland, gaar ahaan kuwa xeebaha uu sarkaale ka tirsan ciidanka ugu geystay magaalada Lawyacaddo.

Bulshada gobolka Awdal, qaar kamid ah ayaa ka mudaharaaday dilka sarkaalkan oo lagu magacaabo Khadar Xabeeb, oo la sheegay inuu dhacay maalintii shalay, waxayna dadweynuhu codsadeen in askarigii dilka geystay sida ugu dhaqsaha badan cadaaladda loo horgeeyo.

Ciidamada Booliska ayaa la arkayay iyaga oo xabad ku kala cayrinayay dadweynaha dhigayay banaanbaxan looga soo horjeedo dilka sarkaalkan, kadib markii qaarkood ay xidheen isku socodka gaadiidka ee wadada xiriirisa Dilla iyo Boorama.

“Khadar Xabeeeb Caynaanshe oo shalay gar iyo mag la’aan lagu dilay, oo gacan ka xaq darani dishay, wadada Dilla iyo Borama u dhaxaysa way xidhan tahay hadii inta aan cadceedu dhicin la raacin,” ayuu yiri mid kamid dadweynaha ka cadheysan dilkan ee mudaharaadayay.

Sidoo kale, qof kale oo kamid ah dadweynaha dhigayay banaanbaxan ayaa yiri “Hadraawigii reer Awdal ayaa baxay, wixii ay Laascaanood ka kacday ayaa Boorama ka socda, una dulqaadan mayno, walaa Muuse Biixi ayaanaan ka baryayn Boorama Gojacadde ayay noqon doontaa.”

Xukuumada Somaliland iyo maamulka gobolka ayaa weli faah-faahin ka bixin dilka sarkaalkan ay ka dhalatay carro dadweyne. Waxay wararka qaarna sheegayaan in askariga dilka geystay ay gacanta ku hayaan laamaha amaanka oo uu xiran yahay.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay dilka sarkaalkan oo la sheegay inuu dilay askari ka tirsan ciidanka Somaliland, gaar ahaan kuwa xeebaha.

Si kastaba ha’ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay ee ay dil dhexdooda ah isu geystaan ciidamada Somaliland ee ka howl-gala deegaanada maamulkaasi, wallow uu dilkaan dhaliyay carro xooggan.