Howl-gal Cali JEYTE uu hoggaaminayo oo maanta lagu burburiyay…

Beledweyne (Caasimada Online) – Howl-gal uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta ka dhacay deegano dhowr ah oo ku yaala Jiinka wabiga Shabeelle ee Koonfurta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte oo hoggaaminayay ciidamada huwanta ayaa waxay burburiyay dooman ay isticmaalayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ugu xirnaa wabiga Shabeelle, oo Shabaab-ka ay si dhuumaaleysi ah ugu soo gudbi jireen.

Howlgalka ayaa sidoo kale waxaa lagu xoreeyey deegaano dhowr ah oo ku teedsan wabiga Shabeelle, kuwaas oo ciidanku uu si nabad ah kula wareegay, iyada oo ay iskaga carareen kooxihii Al-Shabaab ee deegaanadaas ku sugnaa.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo warbaahinta la hadlay ayaa fuley ku tilmaamay Shabaab-ka, oo uu sheegay in marwalba ay ka cararaan deegaanad aay sida dhuumaaleysiga ah ku yimaadaan.

“Shabaabow marwalba aan idin soo aadno hasii yaacina ee iska keen dhiciya, hadaad leedihiin awood aad ku dagaalantaan. Waxaa naga go’an inta ay nafta igu jirto xabad ayaan idin ku ridaya, ha moodina inaad dadka Soomaaliyeed aad adinka kasoo hari doontaan, waxaan idin leeyahay iska baxa oo aada meelaha ka timaadeen,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

“Waqti badan ayuu idinka lumin ee iska baxa meelihii la idinka lahaa, ma’baadida aad ku shaqeynaysaan idinka ma lihidiin, iska huleela ka qanca dadkan wey tashteen oo waa idin arkayaan, waa socon weyday beentii, ma dhaceyso in mar labaad meel mar noqdaan khuraafaadka ku jahwareerinayseen dadka.”

Howl-galkan uu hoggaaminayay guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxaa uu qeyb ka yahay wejiga labaad ee dagaalka oo si hordhac ah uga billowday gobolka Hiiraan, iyada oo u socdo diyaar garowga u dambeeyay ee gulufka ay qeybta ka noqonayaan dalalka deriska ee ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan, dowladda Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, kuwaasi oo halkaasi ka bilaabaya howlgal culus oo saf-balaaran ah.

Si kastaba, dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa wejigiisi koowaad laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda, ayada oo dowladda ay sheegtay in lagu dilay boqolaal Shabaab ah oo ku jiraan horjoogayaal.