Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay SH/HOOSE + Khasaaraha

Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka Mareerey ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay shacab ku socdaalayay waddada, waxaana ku dhintay hal qof, ayada oo uu ku dhaawacmay mid kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka agdhaweyd fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa kadib howlgal kooban ka sameeyay duleedka degmada Afgooye, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa waddada xiriiirisa Afgooye iyo Mareerery ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qaraxyo iyo weerar toos ah ka fuliya gobolkan oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee howlgallada xoreynta oo ay horkaceyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal, waxaana qorshuhu yahay inay howlgallada kusoo biiraan ciidamo ka socdo waddada dariska la ah Soomaaliya.