Golaha wasiirada oo sheegay in 70% ay hoos u dhaceen weeraradii Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda federaalka  Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Shirka ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, dagaalka Al-Shabaab, ayada oo sidoo kale lagu ansixiyay heshiis dhex-maray Somalia iyo Kenya.

Ugu horrey golaha ayaa bogaadiyey guulaha waa weyn ee ay ciidamadu ka gaareen howlgallada xorreynta ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgallada socda ay suura-geliyeen in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay dalka oo dhan.

Sidoo kale golaha ayaa xusay in xittaa lagu guuleystay xasillinta caasimadda, taas oo keentay in si nabad ah ay shacabka Soomaaliyeed u cibaadeystaan bishii soon.

Dhanka kale inta uu socday shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu meel-mariyay heshiiska Iskaashi ee Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dib u cusbooneysiin ay ku sameeyeen labada dal.

Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweeyey tallaabada hoos loogu dhigay qiimaha lacageed ee sannadkan ay ku tagi doonaan Xajka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka yar qiimihii sannadkii hore, taas oo ku timid tartan daah-furan oo ay galeen shirkadaha doonaya adeegga xujeyda.

Ugu dambeyn golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiga Wasiirrada ah ee loo xil saaray soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirmay dagaalka Suudaan, iyada oo lagu guuleystay in 1198 qof oo u badan arday wax ka baranaysay Suudaan lagu soo celiyo dalka, welina ay soconayaan howlaha daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-