Xogta isbedelka ay DF ku sameysay canshuuraha dekedda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa waxa ay isbeddal weyn ku sameysay qaar kamid ah alaabaha laga soo dajiyo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho (Import Tax), ayada oo ku kordhisay canshuuraha, sida ku cad xeer ay soo saartay wasaaradda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online alaabaha wax laga bedelay waxaa kamid ah sigaarka, shiishada, qalabka guryaha iyo xafiisyada (Furniture) gawaarida raaxada (Luxury cars), badecadaha isqurxinta (Cosmetics), Cabitanada (Drinks), qalabka korontada iyo qalabka korontada ku shaqeeyo (Electric, Electronics), dharka iyo kabaha, iwm.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan Kastamka Canshuuraha ayaa innoo sheegay in tallaabadan aysan saameyn doonin cuntooyinka qutul daruuriga ah, saliida, shidaalka, daawadda, qalabka caafimaadka, agabka waxbarashadda, warshadaha, iyo gaaska cuntada lagu karsado.

Sidoo lale waxa ay saraakiishu intaasi ku dareen in canshuurta ay qaado dowladdu aysan ahayn mid ku saleysan qiimaha alaabta (Value based tariff) tusaale:-

Alaabta guryaha iyo xafiisyada (Furniture): Aqalka dhameystiran ee ka kooban sariir laba nafar ah, armaajo, tawleet iyo laba komidin waxan la canshuri jiray $43 USD iyadoo qiimaha suuqa uu u dhaxeeyo 1000 USD – 3,000 USD

Kabaha (Shoes): Kabaha lebiska (Celcelis ahaan 6 Dersin – 72 Joog) canshuurtoodu waxa ay aheyd 3.5 USD (0.05 joogi). Qiimaha kabaha suuqa waxa uu dhaxeeya 30 USD – 120 USD.

Dharka lebiska: lebiska caruurta ciidaha (4 Dersin – 48 joog): 9 USD (0.19 USD joogi). Qiimaha suuqa 60 USD – 90 USD. Dharka caadiga ah (6 Dersin – 72 joog): 4.5 USD (0.06 Joogi). Qiimaha suuqana 10 USD – 30 USD.

Baaburta raxadda (Luxury Cars): Prado/Surf: 1,370 USD, Hilux pickup 1,450 USD, Toyota Premio: 920 USD.

Qiimaha lagu kordhiyay canshuuraha ayaa ah 100%, Tusaale gaariga Bulletproofka ee jooga $80,000 waxaa la canshuuri jiray $5000, halka lagu maanta la canshuurayo $10,000.

Waxaa dalka waxaa loo soo dhoofiya badeecoyin badan oo ka mid wax soo saarka dalka, waxaana ka mid ah Yaanyada gasaca, malaayga, digirta, galeyda, daangada, qamadiga, cabitaanada, iwm.

Inkasta oo aanay jirin wax reeban in dalka loo soo dhoofiyo.

Miisaaniyadda dalka in ka badan 70% waxa u ku tiirsan yahay deeqaha caalamka iyadoo dowladda Soomaaliya wax canshuur dhameystiran ah aysan ka qaadin ganacsiga dalka.

Shurudaha deyn cafinta dalka waxaa ka mid ah in dowladdu la timaado dhaqaale kordhin iyo isku filnaasho miisaaniyadda ah si looga shaqeeyo mashaariic hormarineed dhanka kaabayaasha dhaqalaha ah. Ilaha dhaqalaha dowladda waxa ugu weyn Dekeda iyo Air Porka Muqdisho.