Dagaal jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay MUDUG

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka koonfureed ee degmada Xarardheere oo ka tirsan giobolka Mudug ee bartamaha dalka.

Dagaalka ayaa yimid, kadibn markii ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay weerar culus ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka, General Maxamed Tahliil Biixi oo ka warbixiyay dagaalkaas ayaa shaaciyay in weerarka ay ku qaadeen deegaano hoos yimaada magaallo xeebeedka Xarardheere, halkaas oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in xubnaha la weeraray ay qorsheynayeen inay soo qaadaan weeraro, balse ay ka hortageen, kadib xog ay ka heleen dadka shacabka ah.

Waxa kale oo uu tilmaameen iy howlgalladaasi ay khasaare culus ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen ilaa 7 xubnood, ayna ka qabsadeen gaadiid iyo deegaanka lagu dagaalamay, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad  kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska horjeedo laga dareemayaa duleedka Xarardheere, ayada oo labada dhinac ay helayaan gurmadyo.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maalin kahor ayay ahayd markii ay sidaan oo kale ciidamada huwanta u weerareen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Ceel Qaboobe oo 30 KM koonfur ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana halkaas lagu dilay illaa 60 xubnood.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalkaas ay kusoo furatay hub fara badan, rasaas iyo gaadiid loo waday kooxda Al-Shabaab.

Koonfurta Mudug ayaa waxaa weli ka socda howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa maamulka Galmudug iyo Macawiisleyda/