Cali Yare iyo Al-Cadaala oo ay ka dhex-tafatay iyo arrinta ay isku qabteen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo siyaasad ahaan kala fikir duwan ayaa mar kale ay ka dhex-tafatay, waxayna isugu jawaabeen baraha bulshada.

Labadaan nin ayaa isku qabtay arrin la xiriirta dagaalka Al-Shabaab oo haatan si dardar leh uga socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Wasiir Al-Cadaala oo marka hore qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in been abuurka dacaayadda uu yahay adeeg argagixiso, sida uu hadalka u dhigay.

“Isma qabato “Khawaarijta waan necbahay waxa ay jecelyihiiinna waan qabanayaa” Been-abuurka iyo dcaayaddu waa adeeg Argagixiso.” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Intaas kadib ayaa waxaa isna usoo jawaabay siyaasiga Cali Yare Cali, wuxuuna sheegay in aysan is qabaneyn in la qaado isbaaro Shabaab, lana dhigto mid ka daran.

“Isma qabato isbaarada shabaab ayaa shacabka ka qaadeynaa iyo innaga ayaa isla isbaaraddii iyo mid kasii ascaar kulul shacabka tabaaleeysan u dhiganeyna, intaas waliba ugu simi meeyno ee hantidoodana waan boobeeynaa.” ayuu isna ugu jawaabay Cali Yare.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Al-Shabaab laga itaal roonaaday, islamarkaana aan loo baahneyn in lacago lagu dul raadsado, sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka Eeyaha naarta laguma dhex tuugeeysan karo. Waan ka indho-dheernahay, ka hal-abuur badannahay, kana awood badannahay laamaha warbaahineed ee aad malaayiinta dollar ku bixisaan. ISKEEN-SIIYA.”  ayuu mar kale yiri siyaasiga Cali Yare Cali.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka oo kaashaneysa dadka deegaanka, waxaana laga gaaray guullo dhul ballaaran looga qabsaday Al-Shabaab