UK oo qaaday tallaabo ka dhan ah madaxweyne XASAN, kana joojisay…

London (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda UK ay qaaday tallaabo ka dhan ah madaxwenaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayay in maalmaha soo socda uu safar shaqo ku gaaro London.

Go’aan cusub oo ay haatan soo saartay dowladda Ingiriiska ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh laga saaray liiska madaxda lagu casuumay xafladda caleema saarka boqorka UK, isla-markaana laga joojiyay safarkii uu ku tegi lahaa waddankaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya oo markii hore lagu daray madaxda la casuumay, kadib warqad loo soo diray ayaa hadda isbeddal deg deg ah lagu sameeyay, ayada oo uu soo baxay go’aan kale oo liiska looga reebay, kaas oo lagu wargeliyay hoggaanka Villa Soomaaliya.

UK ayaa si toos ah farriinteeda ula wadaagtay dowladda federaalka, waxayna u sheegtay in madaxweynaha uusan qeyb ka eheyn madaxda  rasmiga ah ee la marti qaaday, isla-markaaa la beddalay liiskii hore ee casuumaadda.

Sababta ayaa lagu sheegay in la xiriirto dhanka socdaalka UK, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Ingiriiska uu saaray xayiraadda dhanka socdaalka, isla-markaana aysan diyaaradaha si toos ah isaga kala gooshi karin magaalooyinka Muqdisho iyo London.

Arrintaan ayaa dhalisay dood xoogan iyo hadal xoogan oo qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka oo si weyn loogu faaqidayo, waxaana dadka ay si weydiinayaan sababta ay dowladda UK uga laabatay casuumaadii ay horay ugu fidisay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, haatana ay dib uga joojisay safarkii uu ku tegi lahaa dalkaasi.

Dhanka kale ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka Villa Soomaaliya oo ku aadan tallaabada ay qaaday dowladda Ingiriiska ee ka dhanka ah madaxweynaha, taas oo ay haatan si aad u warineyso warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi.

Ingiriiska oo kamid ah dalalka reer Yurub ayaa taageerada u fidiya Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhanka dhaqaalaha.

Si kastaba, horay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u booqday dalka Ingiriiska, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May ee sanadkii hore, wuxuuna ka qeyb galay aaska boqoradii waddankaasi, Queen Elizabeth II.