Garaad Jaamac oo ballan-qaad cusub oo la xiriira dagaalka u sameeyay Somaliland

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC oo markale ka hadlay colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa waxa uu ballan-qaad cusub u sameeyay xukuumadda Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa shaaciyay in SSC aysan ka daba-tegi doonin ciidamada Somaliland haddii ay ka baxaan deegaanadooda, kadib markii uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool iyo guud ahaan deegaanada SSC.

“Inagu dulmi geysan mayno oo ka daba tegi mayno, dhiigooda dooni mayno oo dalkooda iyo dantooda in aan ka burburino ma dooneyno ee hase yeeshe riyada ah dadkaan iyo dalkaan idinka iska leh oo Ingiriis ayaa idin siiyay mid aan ka qaadan karno ma ahan,” ayuu yiri Garaadka Guud ee SSC.

Ballan-qaadkan cusub ee uu sameeyay Garaad Jaamac ayaa imanaya xilli uu markale ku baaqay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan dhulkooda, inta aanay dhibaato badani dhicin, oo aanay dagaalo kale oo lagu hoobto aysan dhex-marin labada dhinac.

“Xabaalaha dushooda intii laysku gacan qaadi lahaa, iyada oo ragu nool yahay ha la is gacan qaado, intaan wiilasheenu isku dhiman, dhiigeenu isku bixin, guryihiina ku noqda.”

Somaliland oo ayadu hore dhagaha uga fureysatay baaqyada la xiriira in ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool, kuna adkeysatay in Laascaanood ay tahay Somaliland ayaa la ogeyn waxa uu ballan-qaadkan cusub ka tari karo colaadda ka taagan halkaasi.

Si kastaba, Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, wuxuuna barakiciyay boqollaal kun oo qof, ayada oo sidoo kale boqollaal kale ayaa ku naf waayeen, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata  in dhinacyadu xabada ku joojinayaan, iyada oo ay fashilmeen waan-waan iyo dhex-dhexaadin la xiriirtay arrintaan.