Waa tuma ergeyga cusub ee QM ee Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, ayaa ergey cusub u soo magacaabay Soomaaliya.

Catriona Laing oo u dhalatay dalka UK ayaa noqon doonta madaxa xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxa ayna xilka kala wareegeysaa ergeyga gaarka ah ee hataan Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomalaiya, James Swan, oo ah muwaadin Mareykan ah.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga wararka ee Qaramada Midoobey, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqadii uu James Swan soo qabtay iyo hoggaamintiisa intii uu hayay talada ugu sarreysa xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Catriona Laing, kuma cusba arrimaha Soomaaliya oo waxa ay madax ka ahaan jirtay Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sannadihii 1993 ilaa 1994kii.

Aqoon ahaan, waxay shabaadaha labaad ee Jaamacadda ee Mastarka loo yaqaan ka qaadatay kulliyadda dhaqaalaha iyo siyaasadda ee London oo ay ka baratay arrimaha dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale shahaado la mid ah taa ka qaadatay Jaamacadda Crandfield oo ay ka baratay culuunta maamulka iyo maareynta ganacsiga.

Catriona Laing ayaa noqoneysa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, xilli ay leedahay khibrad gaarsiisan 35 sano oo diblomaasiyadeed iyo xiriirka caalamiga ah, sida in ay xilal kala duwan ka soo qabatay dalka Britain.

Xilalkii ay soo qabatay waxaa ugu danbeeyay, in ay ahayd wakiilka sare ee dalka Britain u qaabilsan dalka Nigeria laga billaabo Nofeembar sanadkii 2018 ilaa Abriil 2023.

Intaa ka hor, waxay ahayd safiirka Britain ee Zimbabwe sannadadii 2014 ilaa 2018.

Marka laga soo tago doorkeeda dublomaasiyadeed, Catriona Laing waxa ay soo qabatay jagooyin kala duwan oo ku saabsan waxaaha siyaasadeed ee dawladda iyo horumarinta caalamiga ah ee Britain, gaar ahaan waxa ay soo noqotay Ku-xigeenka madaxa qaybta Istaraatiijiyadda Xafiiska Ra’iisalwasaaraha Britain intii u dhaxeysay sannadihii 2000 ilaa 2004, iyo in ay ahayd agaasimaha xuquuqda aadanaha ee wasaaradda caddaaladda ee Britain laga billaabo sanadkii 2009-2012.

Catriona Laing ayaa ahaan jirtay Madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Suudaan u qaabilsanayd Britain intii u dhaxeysay sannadadii 2006-2009.

James Swan oo haatan ah ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa 30-kii Bishii May ee sanadkii 2019 loo magacaabay jagadan, waxa uuna khibrad dheer u leeyahay dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya oo uu Qaramada Midoobay uga soo shaqeeyey.

Laga billaabo 1994 ilaa 1996 ayuu James Swan ahaa ergayga Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Waxa uu baddalay danjire Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika oo sanadkii 2019 dowladda Soomaaliya ay ka eriday dalka kaddib markii ay ku eedeysay in uu fara gelin ku sameeyay hawlaheeda khaaska ah ee gudaha.

James Swan ayaa shaqooyin kala duwan ka soo qabtay dalalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Koongo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

BBC