Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilkii Nuur Cumar ee Muqdisho ay ka fulisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil xalay Muqdisho loogu geystay Nuur Cumar Shanlow, oo ahaa qof shacab ah balse ay kooxdu sheegtay inuu ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Dilka Nuur Cumar ayaa ka dhacay xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley, waxaana gaystay koox hubeysan oo goobta ka baxsatay kadib markii ay fuliyeen.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab, oo lagu sheegtay dilkan, ayey sidoo kale kooxda ku sheegtay in Nuur Cumar uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan sirdoonka.

Ma jirto cid xaqiijin karta inuu Nuur ahaa sirdoon, waxaana dadka xaafadda ay sheegeen inuu ahaa qof shacab ah. Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan shacabka ay dilalka qorsheysan ku fuliso ee Muqdisho ku sheegta inay yihiin sirdoon.

Sidoo kale, saraakiisha amniga Soomaaliya weli kama aysan hadlin dilka marxuum Nuur Cumar Shanlow. 

Dilkan ayaa imanaya ayada oo bilihii dhowaa ay aad u yaraadeen dilalka qorsheysan ee Muqdisho, kadib markii ciidamada amniga ay sare u qaadeen howlgalladooda, sidoo kalena meelo badan oo magaalada ka mid ah laga howlgeliyey ciidan dhar cad ah oo ugaarsada Shabaabka.

Waxaa horey u dhacday in xubno Al-Shabaab ah oo dil ka gaystay magaalada, isla goobta lagu toogto ama lagu qabto, taasi oo sare u qaaday cabsida Shabaabka, kadibna hoos u dhigtay dilalkii ay ka fulin jireen magaalada.