Shabaab oo war kasoo saaray weerarkii Janaay Cabdalle

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo ay saaka aroortii hore dagaal-yahaano ka tirsan ku qaadeen saldhig ay ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle oo galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay raggii weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa xerada la weeraray, waxayna kooxda Al-Shabaab sheegtay in weerarkaasi ku billowday qaraxa ay ku dileen 89 ka tirsan askartii halkaasi ku sugneyd.

Afhayeenka howlgallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkii Janaay Cabdalle ay barbar socdeen weeraro kale oo lagu beegsanayay ciidamo gurmad ah, islamarkaana ay ku qabsadeen gaadiid dagaal oo gaaraya 20, sida uu sheegay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay gabi ahaanba xerada oo ay cagta marisay ciidamadii saldhiggaasi ku sugnaa, balse majirto illo madax-banaan oo xaqiijin kara sheegashada kooxdan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka oo gaadmo ahaa uu dhacay xilli aroor ah, islamarkaana ay jiifeen ciidamada degan saldhigaasi, taasi oo fursad badan siisay xoogaga Shabaab ee weerarka la beegsaday xerada Janaay Cabdalle.

Waxaa la xaqiijiyay in dadka ku dhintay weerarkan uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Carab Maxamuud oo kamid ahaa ilaalada madaxtooyada Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa halkaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaas oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka.