AL-SHABAAB oo weerar culus ka fulisay KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Isniintii ay xubno ka tirsan Al-Shabaab weerar khasaare kala duwan ka fuliyeen deegaan hoostaga magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay waddada u galeen kolonyo ka tirsan ciidamada difaaca Kenya, kadibna ay weerar ku qaadeen.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay qoriga Zabanka ku dhufteen  gaari ay wateen ciidanka Kenya, kaas marayay inta u dhaxeysa deegaanada Weelmareer iyo Yunbis, waxaana soo gaaray burbur, iyadoo waxyeelo ay soo gaartay ciidankii la socday.

Sidoo kale ciidamada ayaa sameeyay iska caabin, waxaana meesha ka dhacay iska hor imaad hubeysan, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Kooxda Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan ayaa shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay ciidamada Kenya, balse dowladda ayaa sheegtay inay ciidamadu fashiliyeen weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen agagaarka magaalada Gaarisa ee dalkaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fuliya xadka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu khasaare kasoo gaaro ciidamada Kenya iyo rayidka.