Al-Shabaab oo weerar ku bilowday is-miidaamin ku qaaday deegaanka Camaara

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo saaka aroortii hore dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee gobolka koonfurta gobolka Mudug.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa daaraawiishta Galmudug ee ku sugnaa deegaanka la weeraray oo ah mid istaraatiiji ah.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay khasaaro lixaad leh gaarsiiyeen dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ee soo weeraray, isla-markaana ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa iyana guullo ka sheegatay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana ay shaacisay inay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Camaara.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay ina qabsatay 14 gaari oo 12 ka mid ah ay yihiin Tikniko, halka labada kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfura gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa soo wajahay cabsi xoogan, maadaama lagu kor dagaalamayo, markastana ay suuragal tahay inay dib isugu rogaal celiyaan labada dhinac.

Camaara ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee ay la wareegeen ciidamada huwanta ee howl-gallada ka wada deegaanada maamulka Galmudug.