Maxay ka wada-hadleen golaha wada-tashiga qaran iyo xubnaha beesha caalamka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha wadatashiga qaran ayaa maanta kulan ballaaran la yeeshay safiirada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho, kaas oo ka dhacay teendhada Afisyoone oo ku taal Xalane.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyada oo ay goobjoog ahaayeen madaxda maamul goboleedyada iyo duqa magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan mid golaha shacabka ee la filayo in dhowaan la qabto.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday taageerada beesha caalamka ee ku aadan dhaqaalaha ku baxay hirgelinta doorashooyinka dalka.

Golaha wada-tashiga qaran ayaa sidoo kale wakiilada beesha caalamka la wadaagay warbixin ku aadan xaaladda dalka iyo waxyaabaha uga qabsoomay doorashooyinka.

Kulankan ayaa qeyb ka noqonayo wada-hadallo is-daba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey caasimada, kuwaas oo diiradda lagu saarayey doorashooyinka, waxaana ugu dambeeyey midkii ay xalay yeesheen golaha wada-tashiga qaran & midowga musharixiinta.

Si kastaba doorashada Soomaaliya oo marxalado kala duwan soo martay ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyada oo la guda-galayo mida golaha shacabka Soomaaliya.