Cabdirisaaq Maxamed oo xukun dheer lagu ridayey kadib markii uu $400,000…

Muqdisho (Caasmada Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun 15-sano oo xabsi ciidan ah ku ridday nin lagu eedeeyay kala gudbinta lacagta, kamid noqoshada Al-Shabaab iyo Daacish.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo sanadkii 2008.

Tababarkiisii ugu horreeyay waxa uu ku soo qaatay magaalada Jilib, isaga oo qayb ka ahaa Jabhado weerar ku soo qaaday magaalada Muqdisho, billowgii dowladdii kumeel gaarka ahayd, xilligaas oo uu ku dhaawacmay dagaalladii Xamar ku dhex maray dowladda iyo Al-Shabaab.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ayaa sanadkii 2016-kii u goostay kooxda Daacish, waxuuna xiriirka kooxda ka helay Bilaal Suudaani oo ay mar kawada tirsanaayeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa shaqadii ugu dambeysay ee uu hayay Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ku sheegtay in Daacish uu wakiil uga ahaa kala gudbinta lacagaha.

Sanadihii 2019-2020, Xafiiska Xeer ilaalinta waxa uu Cabdirisaaq ku eedeeyay in uu xawilay lacag dhan $400,000, sidoo kale xafiisku waxa uu tilmaamay in uu hayo caddeymo muujinaya lacagtaas qaar kamid ah dalka laga saaray oo loo diray Koofur Afrika.

Ciidamada Hay’adda Nabadsgida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale bishii Maarso 2021 ku qabtay Eedeysanaha 19-kun oo dollarka Maraykanka ah.

Ugu dambeyn Maxkamadda CQS ayaa sheegtay in dambi aanay ahayn lacagtaas lagu waayay, sidaas awgeed Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale ay ku xukuntay xabsi ciidan oo dhan 15-sano, 30-cishana uu rafcaan ku qaadan karo.