Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada KENYA

Qooqaani  (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday Saldhigyo ay Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, Saldhigyada la weeraray ayaa waxa ay kala yihiin kuwo ku yaalla degaannada Qooqaani iyo  Cabdalla Biroole, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Deegaanada weerarka ka dhacay iyo kuwa u dhow dhow ayaa waxaa laga maqlay daryanka rasaasta ay isku adeegsanayen ciidamada Kenya iyo kuwa Kenya.

Waxaa jiro khasaaro xoog leh oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca weerarkaas ka dhashay.

Maamulka Jubbaland oo war kasoo saaray dagaalkaan ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ka hor tageen weerarka kaga yimid Al-Shabaab, waxayna saraakiisha Ciidamada Jubbaland sheegeyn inay khasaaro xoog leh gaarsiiyeen Al-Shabaabkii weerarka kusoo qaaday.

Xaaladda deegaanada lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid dagan, waxaana saldhigyadii weerarka lagu soo qaaday weli ku sugan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.