Al-Shabaab oo weerar si la yaab leh loo qorsheeyey ka fulisay Balcad + Khasaaraha

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab xalay ku qaadeen qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo loo qorsheeyey si la yaab-leh.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu beegsaday bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin dhanka waqooyi ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay inay iska soo dhigeen shacab, islamarkaana ay soo raaceen gaari rakaab ah, kadibna ay rasaas ku fureen ciidamada ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay ugu yaraan 6 askari, halka ay ku dhaacwacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Xoogaga Al-Shabaab ee weerarka qaaday ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse ciidamada ammaanka ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka wada nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Balcad ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey qaraxii miino ee todobaadkii hore ka dhacay maqaaxi ku taalla degmadaasi.