Shabaab oo wiil dhalinyaro ah ku gowracday Buulomareer + Sababta

Buulomareer (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta kooxda Al-Shabaab ay dhacdo argagax leh ka gaysatay magaalada Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo ay ka naxeen dadka deegaanka.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo gudaha u galay Buulomareer ayaa gowracay wiil dhalinyaro ah oo la shaqeynayay ciidamada dowladda, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu canshuuraha ka aruurin jiray magaalada, uuna la socon jiray ciidamada dowladda, balse waxaa si arxan darro ah maanta u dishay Al-Shabaab.

Waa falkii labaad ee ka dhacaya Buulomareer, waxaana ay ahayd todoaadkii hore kadib markii nin kale oo la shaqeynayay ciidamada dowladda ay sidaan u gowraceen Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay dhacdo saddexaad oo 3 bil kahor Al shabaab ay ku gowraceen rag shacab ah oo ciidamada dowladda ka taageerayay uruurinta canshuuraha guryaha, degaan lagu magacaabo Farxaanoole oo isna ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dilalkaasi argagaxa leh ee ka dhacay magaalada Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolkan ayaa waxaa ku xooggan Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo iyo weeraro ay kusoo qaadaan fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.