Al-Shabaab oo xukuno ku fulisay saddex qof oo mid ka mid ah dhagax lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahada kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xukuno kala duwan ku fuliyey illaa saddex qof, waxaana dadkaasi xukunada lagula fuliyey fagaare weyn oo ku yaalla degmada Kuntunwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Goobta fagaaraha ah ayaa waxaa xilligaas ku sugnaa dadweyne la’isugu yeeray halkaasi iyo xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa saddexdan qof ku ridday xukunno kala duwan oo isugu jiro dil iyo sidoo kale gacan goyn.

Xasan Cabdi Aamey ayaa dhagax lagu dilay, kaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku eedeysay inuu gabar kufsaday, waxayna maxkamaddu shaacisay inuu horey guur u soo maray.

Sidoo kale ninka labaad oo aan la shaacin magaciisa ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu ku kacay fal tuuganimo ah, waxaana goobta looga gooyey hal gacan.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaacisay in isla fagaaraha Kuntunwaarey shalay galab lagu toogtay nin kale oo ay sheegeen inuu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo u gacan galay, kadib howl-gal ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyey xukunada ay fuliyaan oo u badan dilal toogasho ah, kuwaas oo ka dhaca deegaanada ay ka arrimiyaan ee Soomaaliya.