QOOR QOOR oo weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta taageeray AHLU SUNNA

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan Guriceel ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, wuxuuna sheegay in markale aysan aqbali doonin inay soo laabato dhibaatadii ka dhacday Guriceel.

Qoor Qoor ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay taageerayeen ‘cadow’ uu tilmaamay inay kasoo horjeedaan horumarka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in siyaasiyiinta taageeray Ahlu Sunna la bartay, isla-markaana ay qaadeen waddo aan habooneyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Annaga na dhaliila oo xitaa been naga sheega siyaasadda ayaa iska ah waxyaabaha qaarkood laakiin nuuca aad tihiin hadda waa la idin bartay ee dadka ha isa sii barinina, Dowladnimada, Sharciyadda & Wadajirka Galmudug difaacda, qof qaldana xumaan aad wadato & xil aad raadineyso oo si xun u fakireyso haku saacidin” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca wuxuuna ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadda ay weli heestaan.

“Dadka hubeysan ee duurka galay haka faaiideystaan fursadda aan siinay” ayuu markale yiri Axmed Cabdi Kaariye.

Ugu dambeyn wuxuu ku goodiyey inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid weliba oo isku deyda inay carqaladeyso Galmudug, isla-markaana ay ka qaadi doonaan tallaabo adag.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu soo gabagaboobay dagaalkii ka dhacay Guriceel, kadib markii ay magaaladaasi isaga baxeen xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugnaa halkaasi.