Jadwalka kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo lasoo saaray iyo Mahdi Guuleed oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa soo saaray jadwal cusub oo ku aadan doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhinaca gobollada waqooyi ee Somaliland.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maanta oo ay thay 29 Octoter la bilaabayo araaji qabashada musharixiinta laba kursi oo ka mid ah gobollada waqooyi, kuwaas oo lagu daah-furayo doorashada kuraasta golaha shacabka ee Somaliland.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in beri oo Sabti ah, kuna beegan 30 October la sameyn doono hubinta & diiwaangelinta Musharixiinta u tartameysa HOP#237 iyp HOP#239.

Labadaan kursi ee la qabanayo doorashadooda ayaa waxaa horay ugu kala fadhiyay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo Xildhibaan Biixi Iimaan Cige.

Musharixiinta tartamata sidoo kale waxaa ka mid ah Mahdi Guuleed oo haatan ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, kaas oo loolan adag kula geli doono kursiga lambarkiisa uu yahay HOP #239 Xuseen Carab Ciise oo muddo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya.

Mahdi Guleed haatan waa ninka labaad ee ugu saameynta badan doorashada gobollada waqooyi, waxaana ay in muddo ah ay is hayeen, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Gobollada waqooyi ayaa noqonaya garabkii ugu horreeyey ee bilaabaya doorashada golaha shacabka oo dhowaan ka bilaabaneysa dalka, taas oo ka culus mida golaha aqalka sare.