Al-Shabab oo mar kale meel fagaare ah ku toogatay dad shacab ah + Magacyada

Kismaayo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa markale shalay gelinkii dambe goob fagaare  ah oo ku taalla deegaanka Kamsuuma oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ku toogtay laba nin oo ay u soo jeediyeen eedeymo kala duwan.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi.

Labada nin ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Ooyow Mayaane oo 20 jir ahaa iyo Cabdullaahi Maxamad Faarax oo isna ahaa 24 sano jir.

Ooyow ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu faraxumeeyey wiil 5 sano jir ahaa, halka Cabdullaahi Maxamed ay Al-Shabaan ku eedeysay inuu ka tirsanaa ciidamada Jubbaland.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Jubbaland oo ku aadan toogashada askarigaas oo ay Al-Shabaab sheegtay inuu ka tirsanaa maamulkaasi.

Maalin ka hor ayey markii ay kooxda Al-Shabaab labo ruux ay ku toogatay degmada Jamaame ee isla gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay ku eedeeyeen inuu mid ka mida ahaa Sixiroole, kan kale uu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka Jubbaland.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.