Sidee dadka Kenya uga fal-celiyeen fadeexadda kusoo baxday qoyska Kenyatta?

Nairobi (Caasimada Online) – Ururka saxafiyiinta caalamiga ah ee daba-galka oo magaciisa loo soo gaabiyo ICIJ, fadhigiisuna yahay magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka, ayaa Axadii todobaadkaan shaaciyey dokumentiyo maaliyadeed oo muujinaya sida ay madaxda caalamka hantida ugu qarsadeen dibadaha.

Dukumentiyada uu ururku soo bandhigay, oo laga helay magacyada dad u kala dhashay 91-dal, ayaa waxay kashifayaan musuqa illaa 35 hoggaamiye oo isugu jira kuwo hadda xilal haya iyo kuwo horey xilal u soo qabtay.

Qiyaastii 11.9 milyan oo document oo la dusiyey, isla markaana uu helay ururka suxufiyiinta caalamiga ah ee daba-galka ee ICIJ, ayaa la daabacay Axadii, waxaana warqadahaas oo loogu magac daray “Pandora Papers” ay shaaca ka qaadeen hantida ay dibadaha ku qarsadeen boqolaal siyaasiyiin iyo bilyaneero ah.

Hoggaamiyaasha liiskaan kasoo muuqday waxaa ku jira madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Madaxweyne Uhuru oo 59-sano jir ah, waxuu muddooyinkii la soo dhaafay isu muujiyey inuu xooga saarayey la dagaallanka musuq maasuqa.

Si kastaba ha ahaatee, warqadahaas loogu magac daray “Pandora Papers”  waxay muujiyeen in xubnaha qoyska Uhuru ay sannado badan qarinayaan hantidooda gaarka ah oo lagu qiyaasay 30 milyan oo dollar.

Dadka Kenyaanka ah ee taageerada u ahaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa si weyn uga carooday khiyaanada lagu helay qoyska Madaxweynaha, waxayna ku tilmaameyn wax aan la aqbali karin in madaxweyne la’aaminay uu sidaas u dhaqmo.

“Waxaan u maleynay in marka aan u codeyno Uhuru Kenyatta uu dalka u horseedi doono isbadal, hase yeeshee wuuna khiyaameeyey, sababtoo ah waxay naga dhacayaan lacago badan, iyagoo u qaadaya dalal shisheeye, ma naqaan waxaan sameyno,”  ayuu yiri Daniel Mwangi, oo ah 51-sano jir deggan magaalada Nairobi.

“Waxaan ka xaynnaa dhallinyaradeenna iskuulka. Waxaan aadnaa iskuulka, waan helnaa waraaqaha, laakiin markaan imaanno waddooyinka oo aan dooneyno inaan raadino fursado shaqo, waxaan ogaannaa in hantidii dalka oo dhan lagu maalgashaday wadamo shisheeye, runtii waxaan jeclaan lahaa in lacagaha lagu maalgashado gudaha dalka, si dadka u helaan fursado shaqo,” ayuu isna yiri Robert Ongera, oo ah 30-sano jir ku nool caasimadda Kenya.

“Marka madaxweyne dal uu lacag ku qariyo waddan kale oo shisheeye, taasi waa khiyaano qaran, wuxuu khiyaameeyay kalsoonidii 50 milyan oo Kenyaan ah, waxaana ka rajaynaynaa inuu is-casilo, sababtoo ah wuxuu ceeb ku yahay qarankeena,” ayuu yiri Boniface Mwangi oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo siyaasadda Kenya.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Maadaama uu ka soo jeeday qoyska ugu qanisan dalkeenna, Kenyaanku waxay u maleeyeen in uusan xadin ama uusan ku lugyeelan heshiisyo hoose. Uhuru wuxuu lamid yahay kuwa ka ganacsada maandooriyaha, kuwa lacagta xada, kuwa canshuurta ka baaxsada, khiyaamada canshuurta iyo dhammaan noocyada dambiilayaasha.”

Inkasta oo hanti la dhigto dibadaha iyo adeegsiga shirkado qarsoon aysan sharci-darro ka aheyn dalalka badankood, hadana warbixintaan shaaca laga qaaday waxay ceebeysay hoggaamiyayaal u ololeynayey miisaaniyad dhimista dowladda ama qaaday dagaal ka dhan ah musuq-maasuqa.