Cali GUUDLAAWE oo war cusub kasoo saaray dadka mucaaradsan xukunkiisa

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo khudbad ka jeediyey munaasabad lagu xusaayey sanad guurada 5-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Maamulka HirShabeelle oo lagu qabtay Jowhar ayaa balan-qaaday in cid kasta wixii ay ka tabaneyso uu ka xalin doono maamulkiisu.

Cali Guudlaawe ayaa ku cel-celiyey in dadka reer HirShabeelle uu si cadaalad ah u hoggaamin doono, isagoo cadaaladda maamulkiisa tusaale ugu soo qaatay doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee Jowhar ka dhacday, taas oo wax badan ka duwaneed doorashooyinkii Aqalka Sare ee maamullada kale ay qabteen.

“Mudada aan masuuliyadaan hayo waxaa iga go’an in umadaan aan u cadaalad falno, si Alle raali ka yahay oo umaddu ku wada qanacdo ayaan u hoggaami doonaa, waxaana taas cadeynaya xubnihii golaha Aqalka Sare ee halkaan lagu doortay,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in doorashada xildhibaanada golaha shacabka ay si cadaalad ah uga dhici doonto deegaanada HirShabeelle.

“Hadii Alle idmo golaha shacabka mas’uuliyiinta ku hamineysa, kuwa hadda kuraasta ku fadhiya ama kuwa kale ee ku haminaaya inay u tartamaan, waxaan balan-qaadeynaa in si cadaalad ah oo sinaan ah, aad u tartami doontaan,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle.

Sidoo kale Cali Guudlaawe ayaa balan-qaaday in maamulkiisa uu xalinaayo tabasho kasta oo laga qabo, isagoo dalbaday in la joojiyo shuruudaha aan macquulka ahayn.

“Hadaan nahay masuuliyiinta HirShabeelle diyaar waxaan u nahay cid kasta oo tabasho qabta inaan ka xalino oo u sameyno wax kasta oo ay dalbaneyso intii macquul ah, laakiin arrintu yeysan naga noqon tabashaan qabaa, ii imaa meysid, kuuna imaan maayo, taasi xal noqameyso ee xalku waxa uu ku jiraa in la isku yimaadee, aan isku imaano, oo wada hadalno, wax kasta oo ay ku daawoobeysana waan ku daaweyneynaa cidii tabasho qabta, Insha Allah,” ayuu khudbadiisa ku yiri Cali Guudlaawe.