Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ma waxay ku midoobayaan hal musharax?

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Daahir Maxamed Geelle ayaa markii u horeysay ka hadlay inay dhici karto in Golaha Midowga Musharaxiinta ay ku midoobaan hal musharax, si ay ugu soo baxaan xilka madaxtinimada.

Musharax Daahir ayaa sheegay in marnaba aysan dhici doonin in Golaha uu iska soo hormariyo musharax ay ku mideysan yihiin, islamarkaana waxa kali ah ee hadda isku hayo uu yahay in doorasho uu aado dalka.

“Waxaa ka mideysanahay doorasho hufan oo dhibaato ka dhicin, barnaamij doorasho oo nin midka kale la wadaagay majiro, kursiga madaxtinimada in loo tartamo ayaa ku midownay mooye majiro nin aan wadano oo soo hormarineyno,” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.

“Marka waqtiga soo dhawaada laga yaaba in dadka qaar (musharaxiinta) ay is kaashadaan laakiin barnaamijdeena doorashada waa kala gedisan yahay oo tartan ayaa dhexdeena ka jira.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha ay ku midoobeen Musharaxiinta Mucaaridka uu ujeedkooda ugu weyn yahay in dalka ka dhacdo doorasho daahfuran oo cadaalad ah, loona dhan yahay.

“Midkasta oo anaga naga mid ah waxa uu rabaa in uu barnaamijkiisa idiin sharaxo oo idinka (dadka Soomaaliyeed) ay go’aan ka gaaran qofka hogaamin doona dowladnimada.”

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa inta badan ka mideysan mucaaradnimada dowladda iyo mowqfiyada xaaladaha siyaasadeed, hase yeeshe arrintaan ayaa sii xoojineysa in dhexdooda uu ka jiro xifaaltan siyaasadeed oo adag.