Al-Sisi oo qaaday tallaabo kasii dareysa xiisadda Masar iyo Ethiopia ee biyaha Nile

Qahira (Caasimada Online) – Xiisada wabiga Nile-ka ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd dowladaha Masar iyo Ethiopia ayaa markale sii xoogeysatay, kadib markii ay bilowday xukuumadda Al-Sisi qorshe ay ku rabto in xulafeysi awood diblomaasiyadeed ka sameysato gudaha gobolka.

Dowladda Masar ayaa waxay isku dayaysaa inay xoojiso awooddeeda diblomaasiyadeed iyo midda Millateri ee ay ku leedahay gudaha Afrika, xilli ay sare usii kacayso muranka kala dhaxeeya waddanka Ethiopia ee salka ku haya dhismaha biyo-xireenka Wabiga Nile-ka.

Wararka ayaa sheegaya in ururka Juquraafi-yahannada Masar ee la aas-aasay 1875-kii ay kaydiyeen dukomintiyo muhiim ah oo ka tarjumaya danta fog ee ay Masar ka leedahay dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika.

Dukomintiyadaas ayaa waxaa kamid ah khariidad taariikhi ah oo muujinaysa in xuduudaha koonfureed ee Masar ay dhacaan Harada Victoria ee Bariga Afrika, waxaana xusid mudan in ururka juquraafi-yahannada laftigooda lagu sameeyay himilladii boqortooyada Masar ee mudada kooban jirtay.

Qorshaha ururka hadda wada keydinta lagu sameeyay ayaa waxa qeyb ka ahaa in Suudaan hoos keentay maamulkii Masar, iskuna-dayday inay Ethiopia ku qabsato awood milateri intii u dhaxaysay 1874 illaa 1876, midaasi oo kusoo dhamaatay guuldarro bahdilaad ah.

Masar waxa ay bilihii la soo dhaafay heshiisyo milateri iyo kuwa dhaqaale oo xiriir ah ay la saxiixatay dalalka Uganda, Kenya, Burundi, Rwanda iyo Jabuuti.

Qaahira ayaa waxa ay markii horaba heshiisyo isdhexgal ah oo muhiim ah ay la laheyd Sudan, halkaas oo dhawaan ay labadaasi dal ka fuliyeen dhoollatus milateri oo ay wadajir u fuliyaan, kaas oo ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka iyo ciidammada gaarka u tababaranba.

Xiisada wabiga Nile-ka ayaa si weyn uga dhex tafan Masar iyo Ethiopia, ayada oo dowlada Masar ay mar hore dhinac saartay dowladda Sudan oo uu khilaafka wabiga kala dhaxeeyo Ethiopia, waxaana socda dadaalo la isku gaashanbuureysanayo oo ka dhan ah biyo xireenka Ethiopia.