Maxay tahay halista ay WHO uga digeyso Soomaaliya?

Kampala (Caasimada Online) – Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisey in dalalka Afrika oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya ay la kulmayaan mowjad saddexaad oo cudurka COVID-19 ah.

WHO ayaa sheegtay in kiisaska ay kor ugu kaceen 474,000, shan toddobaad oo isku xiga, laga soo bilaabo bishan 20-kii bishan June.

Waxay sheegtay in kororka kiisaska uu muujinayo faafitaan ka dhakhso badan kii labaad ee qaaradda, oo bilaawday horaantii sanadkan, midaasi oo muujineysa halis hor leh.

Kororka kiisaska ayaa waxay eedeynta u weyn dusha ka saaraysa WHO dhowris la’aanta talaabooyinka caafimaadka ee bulshada oo daciif ah, kororka is-dhex-galka iyo dhaq-dhaqaaqa bulshada, iyo sidoo kale faafitaanka mowjadda nooca cusub ee cudurka oo markii ugu horreysay laga helay India oo laga soo sheegay 14 dal.

Hay’adda caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale waxay sheegtay in 1% hal oo kaliya dadka reer Afrika si buuxda loo talaalay.

Madaxa xarunta ka hortagga cudurada ee Afrika ayaa sheegay in mawjadda seddexaad la timid darnaan iyadoo waddammada badankood u diyaarsanayn sidaa darteedna ay tahay mowjad aad u xun, wuxuuna ku cel-celiyey baahida loo qabo in si dhakhso leh loo helo tallaalo badan.

Si kastaba, Halista cudurka Coronavirus oo bilihii hore ka taagneyd dalka Soomaaliya ayaa xiligan u muuqata mid  hoos u dhacday, sida ku cad warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, hase yeeshe khubarada caafimaadka ayaa walaac ka qaba sarre u kaca markale ee cudurka.