Albashiir oo si cajiib ah uga jawaabay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Albashiir ayaa si adag uga hadlay warbixin kasoo baxday Waaxda arimaha dibada Maraykanka taa oo Muwaadiniinta Mareykanka looga mamuucay inay u socdaalan Sudan.

Albashiir ayaa sheegay in Sudan ay ka nabdoon tahay deegaano ku yaalla dalka Mareykanka iyo wadamo dhowr ah oo ka tirsan Yurub.

Albashiir ayaa sheegay inaanu jirin warbixinta kasoo baxday Waaxda arimaha dibada Maraykanka, waxa uuna meesha ka saaray in dalka Sudan uu yahay dal ay daashatay nabadgalyo la’aan.

Fariinta kasoo baxday Waaxda arimaha dibada Maraykanka, ayaa waxaa lagu sheegay in “Kooxaha argagixisada ay ku firfircoon yihiin Sudan oo ay muujiyeen in ay doonayaan in ay waxyeelayn u gaystaan reer galbeedka iyo danaha reer Galbeedka”

Sidoo kale, warbixinta waaxda ayaa waxaa lagu yiri “Dambiyada dagaalka oo lala beegsanayo reer galbeedka, oo ay ku jiraan afduubyo, dhac hubaysan, iyo dilalka ayaa ka dhacaan meel kasta oo dalka Sudan, laakiin si gaar ah ugu baahsan gobolka Darfur,”.

Si kastaba ha ahaatee, Dalka Sudan ayaa waxaa ka jira amni baaxad leh oo ka duwan kan ay heystaan dalalka dhaca qaarada Africa waxaana xusid mudan in dalka Sudan uusan laheyn Koox lid ku ah amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com