Isdiiwaan galinta musharaxiinta Galmudug oo si xooli ah uga socota Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ka bilowday Isdiwaangelinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Maamulka Galmudug.

Musharaxiinta ayaa iska diiwaan galinaaya Xarunta maamulka, waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka oo la socda dhaqdhaqaaqa is diiwaangalinta.

Goobta ay ka socto is diiwaangalinta ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Guddiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug oo indha indheynaaya Hanaanka ay saaka ku bilaabaneyso is diiwaangalinta.

Guddiga ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqay Jadwalka Doorashada, waxaana is diwaan gelinta ay bilaabatay Shalay, inkastoo ay si rasmi ah u bilaaban doonto maanta.

Sidoo kale, Isdiwaan gelinta Musharaxiinta ayaa ku eg Shanta bishaan, waxaana Musharaxiinta looga digay inay ka dib dhacaan isdiiwaan galinta.

Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 10-ka Bishaan, waxaana lagu wadaa in Musharaxiinta ay si hordhac ah usii wadaan dhexgalka Xildhibaanada.

Dhinaca kale, waxaa hadda magaalada Cadaado ku sugan inka badan 9 Musharax oo ilaa iyo hadda Shaaciyay in ay yihiin Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com