Alex Ferguson: Ronaldo wuxuu u fiican yahay sida Lionel Messi.

Sir Alex Ferguson ayaa qirtay inuu Cristiano Ronadlo u fiican yahay sida xidiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Tababaraha Manchester United ayaa wado u furay inuu mar kale la midoobo xidiga Real Madrid Ronaldo.

Macalinka kooxda Old Trafford ayaa ceshan waayey xidigaan wuxuuna 80 milyan oo ginni kaga iibiyey Los Blancos June 2009kii wuxuuna aaminsan yahay inuu nin fiican yahay sida xidiga Argentina iyo kooxda Barcelona Messi.

Kooxda Fergie ayaa geesaha la geli karta kooxda Ispaanishka ah ee Jose Mourinho, iyo xidiga garabka ka ciyaara Ronaldo, iyadoo wareega 16ka Uefa Champions League lagu dhawaaqayo maanta.

Ferguson ayaa yiri: “Ma jiraan wax farqi ah oo u dhexeeya labadooda, labadooduba waa xidigaha ugu fiican caalamka.

“Waxaa sii jiri doona ciyaaryahano waa weyn. Dib u milicso Lixdameeyadii waxaa markaas aduunka heystay Alfredo Di Stefano, Ferenc Puskas iyo Eusebio.

“Hoos ugu soo dego Todobaatameeyadii waxaa caalamka kubada cagta hor kacaayey Johan Cruyff iyo Franz Beckenbauer ka dibna sideetameeyadii Marco van Basten.

“Waxaa u maleynayaa inaan waqtigaan aragno Messi oo ah ciyaaryahan aan caadi aheyn tobaneeyadaan sano, sidoo kale Cristiano

“Uma maleynayo inay dhib ku tahay labadoodaba xafiiltanka u dhexeeya.

“Waxaan filayaa inay labadooduba heystaan shaqsiyadooda u goonida ah oo ay sanooyinkaan si fiican ugu sii ciyaaraan hubaashii waxaan garanayaa Cristiano sababtoo ah lix sano ayuu ka ciyaarayey halkaan United.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Mogadishu.