Isku aadka wareega Sami-finalka Capital One Cup oo la sameeyey.

Chelsea ayaa la ciyaari doonta kooxda Swansea Sami-finalka koobka Capital One Cup, halka Aston Villa ay la dheeli doonto kooxda horyaalka labaad ee Bradford.

Chelsea, ayaa qarka u saaran inay markeedii shanaad hanato koobkaan, ka dib markii ay 5-1 kusoo dubteen Leeds United oo ay kulan ciyaareen garoonkooda Elland Road.

Goolal ka kala yimid Juan Mata, Branislav Ivanovic, Victor Moses, Eden Hazard iyo Fernando Torres ayaa kooxda Rafael Benitez guusha u sahlay ka dib markii ay kooxda heerka labaad ee Luciano Becchio hugaanka ciyaarta si la yaab leh ku qabatay.

Swansea, ayaa wareega sideed dhamaadka kusoo macsalaameysay Middlesbrough , waxayna u safri doontaa kooxda Stamford Bridge lugta koowaad ee Sami-finalka.

Bradford, ayaa goolku laadyo kaga soo gudbay wareega sideeda kooxda Arsenal, waxayna u baahan tahay inay guul kasoo gaarto Aston Villa, si ay Finalka ugu ciyaarto gegeda Wembley.

Isku aadka wareega afar dhamaadka ee koobka Capital One Cup waa sidaan:

Chelsea v Swansea

Bradford v Aston Villa

Lugta koowaad waxaa la ciyaari doonaa 7da January, halka lugta labaad la ciyaari doono 21ka January.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Mogadishu.