Liverpool oo ku dhow inay lasoo wareegto bedelka Gerrard.

Xidiga Liverpool diirada u saaran Lucas Biglia ayaa loo sheegay inuu ka tegaayo kooxdiisa Anderlecht hadii lagu soo dalbado 8.35 milyan oo ginni, sida uu qoray wargeyska Talksport.

Xidiga qadka dhexe ee dalka Argentina ayaa muddo dheer lala xiriirinaayey Anfield waxaana sidoo kale xagaagii mar lala xiriirshay Arsenal.

Anderlecht ayaa go’aansatay inuu ka tegi karo 26-jirkaani, laakiin waa keliya hadii ay helaan dalab 10.25 milyan oo euro ah.

“Ma aanan weli dalab toos ah oo u yimid Lucas laakiin waan ognahay inuu wakiilkiisu ka shaqeynayo suuqa kala iibsiga si uu u tago,” Ayuu agaasimaha guudo ee Anderlecht Herman Van Holsbeeck u sheegay calciomercato.com.

“Biglia waxaa qandaraaskiisa ka harsan laba sano iyo bar waxaana u ogaalan karnaa inuu baxo keliya hadii aan helno dalab 10.25 milyan oo euro ah. Lacag intaas ka yar kuma bixi doono Janaayo.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Mogadishu.