Arsenal oo u dhaqaaqday saxiixa weeraryahan David Villa.

Arsenal ayaa xiiseyneysa weeraryahanka qabiirka ah ee kooxda Barcelona, sida uu qoray wargeyska kasoo baxa dalka Spain AS.

Gunners ayaa kula biirtay xiisaha xidiga heerka caalami ee dalka Spain kooxda iyana dhacda waqooyiga London Tottenham iyo kooxdiisii hore Valencia oo dooneysa inay ka wado Nou Camp.

Weeraryahankii hore ee Valencia ayaa taageero badan ku leh gegeda Mestalla Stadium, iyo xulkiisa Spain, si kastaba dhaawacyo ayaa hareeyey David Villa, waxaana weerarka kooxda Catalan uga horeeya Pedro, Alexis Sanchez iyo xittaa da’yarka Cristian Tello kuwaas oo caawima xidiga Barca Lionel Messi.

Villa ayaa ku bilowday xilli ciyaareedkaan lix kulan oo La Liga ah wuxuuna kooxdiisa u dhaliyey shan gool.

Maadaama aan looga baran inuu Arsene Wenger keeno weeraryahanada qabiirada ah, hadaba waa iska cadahay inuu kooxdiisa Arsenal la doonayo hugaamiye qibrad badan sida Villa.

Arsenal ayaa waxaa sidoo kale diirada u saaran weeraryahanka Schalke Klaas-Jan Huntelaar, iyadooba ku dhow inay lasoo saxiixato, sida uu tebinaayo ESPN.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Mogadishu.