Aljazeera oo shaacisay xog yaba leh oo la xiriirta wixii lagu sammeeyey meydka weriye Jamaal khaashuqji

Istanbul (Caasimada Online) – Meydka suxufi Jamaal Khaashuqji ayay u badan tahay in lagu gubay gudaha guriga uu magaalada Istanbul ka degan yahay qunsulka Sacuudiga, waxaa sidaas shaaca ka qaaday baaritaan uu sameeyey taleefishinka Aljazeera.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa isha ku hayey qiiq kasoo baxayey gudaha guriga qunsulka kadib markii baco ay ku jiraan xubnaha la jarjaray ee suxufiga laga soo qaaday qunsuliyadda lana keenay guriga qunsulka markii la dilay kadib.

Aljazeera ayaa wareysi la yeelatay shaqaale dhisay foorno laga dhex-sameeyey guriga qunsulka oo la rumeysan yahay in meydka lagu gubay.

Foornada ku taalla guriga qunsulka ee la rumeysan yahay in lagu gubay meydka Jamaal Khaashuqji.

Shaqaalahan ayaa sheegay in foornadan uu u dhisay si waafaqsan hab ay codsatay qunsuliyadda, oo ahaa inay noqoto mid aad hoos ugu qoto dheer islamarkaana heer kulkeeda uu gaari kaari 1,000 heerkul cabikra Celsius ah.

Markii la gubay hilibka weriye Jamaal Khaashuqji ayaa waxaa kadib sidoo kale foornada lagu gubay hilib xoolo oo aad u badan si loogu qariyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Turkiga.

Saraakiisha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in gubitaanka meydka Jamaal Khaashuqji ay socotay muddo saddex maalin ah.

Baarayaasha Turkiga ayaa sidoo kale helay dhibco ka mid ah dhiigga Khaashuqji oo lagu arkay, darbiyada xafiiska qunsulka kadib markii la tir-tiray rinji la mariyey oo qorshuhu ahaa in dhiigga lagu qariyo.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
caasimada@live.com