Amarka Madaxweyne Farmaajo oo aan weli ka dhaqan galin magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay’adaha amaanka dowlada Somalia ayaa maalintii labaad aan dhaqan galin amar June 09 2018 kasoo baxay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Amarka Madaxweynaha ee aan wali hir galin ayaa ah in Hay’adaha amniga ay Shacabka usahlaan isu socodka Gaadiidka.

Amarka Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa in ciidamada dowlada ay furan waddooyinka u xiran ee caqabada ku ah shacabka.

Waxaa maalintii labaad amarka Madaxweynaha kadib xiran waddooyinka ugu badan ee magaalada Muqdisho kuwaa oo isticmaalkooda la adkeeyay.

Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaan saakay isticmaali karin Isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

Ciidanka ayaa gaadiidleyda ku amraya in ay isticmaalaan waddooyinka kale balse aaney mari karaan wadadaan.

Sidoo kale, ciidanka ayaa gaadiidka ka celinaya isgoyska Dabka, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhanka Buundooyinka ee raba wadada Makka Al-Mukarrama.

Dadka ayaa cagtooda maalaya maadama wax gaadiid ah aanu ka soo gudbi karin Isgoysyada aan soo sheegnay.

Sidoo kale, wadayaasha mooto Bajaajta ayaa goordhow magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska KM4 ka dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan xirnaanshaha wadooyinka.

Dhinaca kale, xirnaashaha waddooyinka qaar shalay ilaa maanta ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iyo waxa gadiidka aanan u isticmaali karin waddooyinka qaar maadaama uu amray Madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com