Amarkii Xasan Sheekh oo laga dhaqan-gelinayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay si rasmi ah u dhaqan-gelinayaan amarkii dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxauud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka culus noocyadiisa kala duwan.

“Anaga oo ka amba-qaadeyna hadalkii madaxweynaha, hay’addaha amaanka ee laga rabo inay fuliyaan awaamiirtaas ayay kow ka yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sida ay tahay ayaa loo fulinaya amarkaas,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumim

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay inuu billowday howl-galka, isaga oo ku wargeliyay ciidamada kala duwan ee magaalada ku dhex wata hubka inay uga soo tagaan xeryahooda.

“Ciidamada qoryaha magaalada ku dhex wata waa inay xeryaha uga soo tagaan qoryaha, haddii ay ahaan lahaayeen Boolis, Nabad-sugida, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Militariga. Magaalada laguma arki karo qori aan ka diiwaan-gashaneyn ciidanka, qof shacab ah oo qori watana lama ogol.”

Taliye Mahdi ayaa sidoo kale wuxuu ka digay in ciidamada dowladda ay qeyb ka noqdaan falalka amni darro ee kala dagaalamayaan caasimadda dalka ee magaalada Muqdisho, “Askari kasta oo socda oo la qabto inuu xabsi galaayo oo la xirayo.”

Waxa kale oo uu sheegay in masuuliyiinta dowladda aysan weli u hogaansamin amarkii dhawaan soo baxay, oo weli caasimadda ku dhex wataan hubka culus noocyadiisa kala duwan, islamarkaana lagala xisaabtamo doono arrintaasi.

“Masuulkii inta BKM iyo Dashiike isaga oo wata inta la joojiyo xabad bilaaba, askariga qoriga wata lasoo xiri waayo iyo wiilka istaafka ah ee waxaa lasoo xiraa oo loo haysta masuulka ay waardiyeynayaan, isaga ayaa loo eedeyna oo maxkamadda looga waca.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka digay dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya oo kusoo badanaya magaalada Muqdisho xilli lagu guda-jiro bisha Ramadaan, ayna tallaabo adag ka qaadi doonaan, “Goobaha fawaaxishada ah iyo waxyaabaha maanka-dooriyo lagu isticmaalo waa mamnuuc, lamana ogola waa la xirayaa.”