Ciidamada DF iyo shacabka oo ‘howl-gal cagmarin ah’ kula wareegay degaano horleh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xooga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa cagta mariyay ku dhawaad 10 tuulo oo hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 4-aad ee qaybta 27-aad ee Ciidanka xooga dalka Korneyl Saneey Cabdulle oo hogaaminaya howl-galka ayaa ugu baaqay shacabka tuulooyinkaan in ay soo dhoweeyaan ciidanka iyo dowladnimada soo gaartay.

“Hadii aad ka run sheegaysaan warkiina ah janno ayaan doonaynaa hannaga cararina ee kaalaya goobta dagaalka,” ayuu yiri Korneyl Saneey Cabdulle oo farriin culus u diray Shabaab-ka firxadka ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku cibaadeeysanayaan bisha Soon-qaad, ayna sii kordhinayaan howl-gallada ka dhanka ah ee looga xoreynayo dalka, iyaga oo ugu tegaya halka ay ku sugan yihiin, sida uu sheegay.

Ciidanka xoogga dalka ayaa shalay si buuxda ula wareegay tuulooyinka Ceel-Afwayn, Sabansabley iyo Cali-Yabaal oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud, halkaas oo Al-Shabaab ay joogeen in ka badan 15 sano.

Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga carartay dhamaan deegaanadaas iyagoo aan dagaalamin, taas oo ciidanka u sahashay inay si nabad ah gacanta ugu dhigaan deegaanadaas.

Dhamaan dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa deegaanadaas ayaa isaga qaxay, iyagoo cabsi ka qaba in lagu dul dagaalamo, waxayna saraakiisha ciidanka xoogga dalka noo sheegeen inay deegaanka dib ugu soo celinayaan dadkii ka qaxay.

Sidoo kale waxaa socda abaabul culus oo ciidanku ay ugu diyaar garoobayaan xoreynta deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo weli ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Deegaanada ugu muhiimsan ee hadda ay ciidanku qorsheynayaan inay kooxda ka saaraan waxaa ka mid ah deegaanka Budbud oo bulsho badan ay ku nooshahay, aadna istaraatiiji u ah.

Duulaankaan oo ah mid si weyn u abaabulan ayaa hadda kadib ku socanaya saf-balaaran, maadaama ciidankii ka baxay Aadan-yabaal, Al-kowthar ilaa Daarunicma ay Al-Shabaab ka xoreeyeen Galcad iyo deegaanada ku hareereysan.

Hadda waxaa siman oo si saf-balaaran ah ku socon doona duulaanka ciidamadii horay u joogay aagga degmada Ceeldheer, aagga Maxaas ee furinta Hiiraan iyo ciidanka furinta dhexe ee maalmihii lasoo dhaafay ka talaabay Sh/Dhexe, islamarkaana kooxda ka xoreeyey Galcad, Ceeljuqow, Cali Afrax, Cali Yabaal iyo deegaano kale oo muhiim u ah xoreynta dalka.

Si kastaba, Wejiga 2-aad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u billowday, iyada oo wejigan ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada dalalka deriska, si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalkan oo wejigiisi hore lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda.