Sawirro: Ilaalada gaarka ee Madaxtooyada iyo Xasan oo tababar loogu soo xiray Serbia

Belgrade (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa magaaladda Belgrade ee dalka Serbia tababar ugu soo xiray qaar ka tirsan ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS.

Munaasabadda xiritaanka ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Serbia Bratislav Gasić, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo saraakiil ka tirsan dugsiga tababarka ciidamada gaarka ah Marshal Josip Broz Tito.

Askarta tababarka loo soo xiray ayaa gaarayay 60 askari oo isugu jiray Saraakiil, Saraakiil xigeeno, Dabley iyo Alifley, waana kuwa ilaaladda gaar ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Askartan ayaa waxay halkaasi kusoo qaateen tababar heer sare ah oo ku saabsan amniga Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu dowladda Serbia uga mahad-celiyay garab istaaga iyo taageerada ay u muujisay Soomaaliya, isaga oo sheegay in ciidankan ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan sugida amniga Madaxda Qaranka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Bratislav Gasić ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in ay sii xoojin doonaan tababarada ciidanka dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay dowladda federaalka Soomaaliya ku garab taagan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo sheegay in guulo muhiim ah ay ka gaareen dagaalkaasi dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir taariikhi ah oo ku asteysan danaha labada labada.