Sawirro: Booliska Muqdisho oo la wareegay gaadiid cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa la wareegay gaadiid cusub, kaasi oo loogu tala-galay xoojinta amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Gadiidkan cusub ayaa waxa Taliska Booliska gobolka ku wareejiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, waana gaadiid ay aad ugu muhiim ah howl-galada Booliska ee gudaha gobolka.

Gaadiidkan ayaa la sheegay inuu wax badan ka baddali doona baahida gaadiid ee horay ujirtay, si kor loogu qaado howl-gallada lagu sugayo amniga iyo gaafmeerka degmooyinka gobolka Banaaadir.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir G/Sarre Mahadi Cumar Muumim oo la wareegay gaadiidkan ayaa waxa uu sheegay inuu buuxin doono meelo ka banaana howl-gallada Booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in la dhowri doono loona isticmaali doono gaadiidkan cusub ee uu la wareegay taliska Booliska ee gobolka ujeeddadii loo keenay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka socday howl-gallo ay ka wadeen ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab, burcadda iyo kooxaha ciyaal weerada.

Howlgalkan oo loogu magac daray (Garan-waa), ayaa waxaa inta badan lagu beegsanayaa xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanaya gudaha magaalada Muqdisho, iyada oo habeenba degmo laga sameeyo howl-gallo amni xaqiijin ah.