Daawo: MORGAN oo kasoo muuqday Martisoor kadib warkii kasoo baxay Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Jeneral Maxamed Saciid Xirsi oo caan ku ah (Morgan) ayaa xalay kasoo dhex muuqday hoteelka Martisoor ee magaalada Garoowe, xilli ay Somaliland u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood.

Muuqaalka laga soo duubay Jeneraal Morgan oo ahaa xilli habeenimo fiidkii oo la sheegay in Salaadda Taraawiixda uu kusoo dukaday masjid ku dhex yaalla hoteelka Martisoor, ayaa waxa uu meesha ka saaraya sheegashadii Somalilad.

“Wasiirka Gaashaandhiga SNM Jananka ha ka been sheegin waa maalin Ramadaan, dagaal kuma jiro Jananku oo anaga ayuu nala tukadaa, waxaa leeyahay dadkaaga runta u sheeg oo been ha u sheegin. Jeneraal Morgan garabkayga ayuu taagan yahay.”

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo shalay qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Jeneraal Morgan uu ka dagaalamayo gudaha magaalada Laascaanood, halkaas oo ay isku hayaan Somaliland iyo dadka deegaanka ee SSC.

Wasiir Caateeye ayaa sheegay in Morgan uu ka barbar dagaalamayo ciidamada SSC ee haatan militariga Somaliland kula dagaalamaya duleedka magaaladaasi, isaga oo ku eedeeyay inuu horkacayo ciidamo ka tirsan kuwa maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalkaasi.

“Jeneral Morgan oo sidoo kale loo yaqaan ‘Hiliblihii Hargaysa’, wuxuu ahaa la taliyihii madaxweyne Farmaajo, iyo madaxweynaha Puntland, waa nin in ka badan 50,000 oo shacab ah Somaliland ku dilay, hadana wuxuu ka barbar dagaalamaya maleeshiyada Laascaanood iyo ciidanka Puntland” ayuu yiri wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer hore waxay dagaalka Laascaanood ku eedeysay inay qeyb ka yihiin jihooyin dhowr ah, oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsanaa dowladda federaalka, maamul gobolleedka Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, kuwaasi oo iyagu beeniyay eedeymahaasi.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa bishii 3-aad oo xiriir ah ku dagaalamaya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC, kuwaasi oo si adag uga soo horjeestay gooni isu-taagga Somaliland.

Waxaa gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin ay isku xilqaameen dhinacyo kala duwan, kadib markii labada dhinac ee isku haya halkaasi ay ku xireen shuruudo adag, si la iskugu imaado miiska wada-hadalka.

Si kastab, Dagaalka Laascaanood ayaa sababay khasaare badan oo isugu jira dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo weliba burbur horleh oo gaaray magaalada.