Xog: DF oo bedeshay ciidan Muqdisho ka howl-galayay afartii sano ee u dambeysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bedeshay inta badan ciidamadii Booliska ahaa ka howl-gali jiray baraha ciidan ee wadada Wadnaha, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Taliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa xalay bedelay ku dhawaad 200 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugna dhamaan isgoysada kasoo gudba wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, kana soo bilaabanayay isgoyska Mirinaayo ee degmada Kaaraan illaa isgoyska Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir.

Ciidanka Booliska ee la bedelay ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay ka howl-galayay baraha ciidan ee yaalla wadada Wadnaha kasoo gudba ee soo aadda dhanka wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa halkaasi ka sameysay baraha ciidan, marka loo eego dhamaan isgoysada kasoo gudba wadada Wadnaha, waxaana waqti kamid ah Muqdisho ka abuurmay goobo kala wareeg ah, maadama gaadiidka kuwa raaxada ee aan laheyn aqoonsiyada dowladda loo ogoleyn inay kasoo gudbaan wadada Wadnaha.

Ciidanka cusub iyo saraakiil hoggaamineysa oo dhawaan tababar kasoo baxay ayaa waxa uu taliska ciidanka Booliska ee gobolka uu geeyay barahaasi ciidan, iyaga oo la wareegaya amaanka goobaha laga soo badalay ciidankii afartii sano ee lasoo dhafay ku sugna halkaasi.

Dhawaan unbay aheyd markii ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa la geeyay guud ahaan qeybta Galbeed ee magaalada Muqdisho, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

Ciidankan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa waxay dhawaan tababar kusoo qaateen dalka Uganda, waxaana laga howl-galiyya hadda saldhigyada Wadajir, Dharkenley, Kaxda, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley.

Ciidankan cusub ayaa waxaa loogu tala-galay xasilinta amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyaga oo durba bilaabay roondo iyo howl-galo kala duwan xilliyada habeenkii, waxayna hoostagaan talisyada Booliska degmooyinka ay ka howl-galayaan, waana ciidan loogu tala-galay xasilinta magaaladan.

Si kastaba, dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay hadda si gaar ah isha ugu haysa xaqiijinta ammaanka Muqdisho, waxaana hadda amaanka gobolka Banaadir si wada-jir uga shaqeynaya ciidan ka tirsan Booliska, Nabad-sugida iyo ciidan cusub oo dhawaan lagu soo biiriyay oo ciidanka xoogga dalka.