Dhageyso: Biixi oo shaaciyey xal loo helay weeraradii Al-Shabaab ee xeryaha ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlay weerarada rogaal celinta ah ee ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaadan xeryaha ciidamada, ayaa waxa uu sheegay inay si weyn uga baaraan degeen ka ciidan ahaan arrintaasi.

Jeneraal Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in aysan mardambe dhaceyn inay weerar gaadma ah kusoo qaadan dagaal-yahaanada Shabaab, ama xataa ay haweystaan xarumaha ciidanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan go’aan ka gaarnay weeraradii Khawaarijtu ku soo qaadi jirtay xeryaha ciidamada, haday wax isku hayaan ha soo weeraraan hadda,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

“Ma dhaceyso mardambe inay u suurowdo weerar, maalinba maalinta ka dambeysa khibrad ayaa nooga siyaada dagaalkooda, oo waa baranay raggaan oo xogtaada ayaa hayna.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in aad looga gaashaantay dhagarta kooxda, islamarkaana aysan dhaceyn in markale dhibaateeyeen shacabka ama u hanjabaan, “Shabaab mardambe ciidan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacab inuu laayo ama usoo dhuunto ma suurta-galeyso .”

Janaraal Biixi ayaa sheegay in aysan haatan jirin ciidan ay soo haweysan karaan aadna looga gaashaantay dhagartooda, xilli ay muddooyinkii dambe ay kooxda Al-Shabaab weeraro gaadma ah mararka qaar ku qaadi jirtay xeryaha ciidan ee deegaanada laga xoreeyay qaarkood.

“Khawaarijtu dhexdooda ayay iska shakiyeen oo khilaaf weyn ayaa soo kala dhex galay, taasi oo keentay in ay koox-koox isugu dhiibaan beelihii ay kasoo kala jeedeen hubkana ay ku wareejiyaan si ay u qariyaan,” ayuu yiri Jeneraal Biixi oo sheegay in guluf dagal ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu wiiqay awooddii kooxda.

Jeneraal Biixi ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay xog ka heleen dagaal dhex-maray kooxda oo ay rag badan isaga dileen, isaga oo sheegay inay ku shireen deegaanka Cowsweyne iyagoo go’aansaday in baaqigooda haray ay isa soo dhiibaan, sida uu sheegay.

Hoos ka dhageyso