Ambassador Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” oo ka mid ah Murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii baarlamaanka kasoo saaray lacagta laga doonayo inay bixiyaan murashaxiinta madaxweyne, taasoo dhan $30,000.
Murashax Ameeriko ayaa sheegay in lacagta la dul saaray murashaxii u tartamaya xilka madaxweyne ay tahay mid aad u badan, oo ay la yaabeen murashaxiinta dhan hase ahaatee, aysan xiligaan wax laga dhihi karo aysan jirin, sidaasi darteedna uu soo dhoweeyay murashax ahaantiisa, uuna diyaar u yahay inuu buuxiyo shuruudaha dhan ee laga rabo murashaxa.
Maxamed Cali Ameeriko ayaa dhanka kale ka codsaday xildhibaanada cusub ee baarlamaanka in ay sanadkaan cusub shacabka Soomaalliyeed u horseedaan guul, isagoo kula dardaarmay in aysan qofka ay dooranayaan ku xushaan lacag, taas badalkeedna looga baahan yahay in ay ku doortaan kartidiisa, aqoontiisa iyo in uu yahay shaqsi wax qabad leh, oo dadka wax usoo qabtay.
“Waxaan ugu baaqayaa xildhibaanada labada aqal ee sharafta leh in sanadkaan cusub 2017 doortaan madaxweyne wadaniyada ku dheer tahay, iyadoo la eegayo, khibradiisa, waxqabadkiisa iyo howlaha uu shacabka usoo qabtay, oo aysan dooran madaxweyne doonayo inuu kusoo baxo laaluush, awood iyo isdaba marin ee doonayo inuu xilka ku qaato” ayuu yiri murashax Ameeriko.
Mar uu murashaxa ka hadlayay hadal dhawaan uu jeediyay Taliyaha ciidamada booliska ee ahaa in uu madaxweynaha u haayo cododka seddax mas’uul oo booliska soo maray, kuwaasi oo uu u sheegay in Xasan Sheekh ku tashto.
Ameeriko ayaa sheegay in hadalkaasi uu ahaa mid meel ku dhac ku ahaa sharafta iyo sumcada taliyaha booliska, loona baahnaa inuu sharuucda dalka u hoggaansamo, maadaama xaaraan ay ka tahay inuu cid gaar ah u ololeeyo mas’uul xilkaasi oo kale haayo, haddana ah guddoomiyaha guddiga amniga ee doorashooyinka.
Maxamed Cali Nuur ayaa dadka Soomaaliyeed waxay ku xasuustaan waxqabadkiisii intuu uu ahaa safiirka Kenya ee Soomaaliya, isagoo soo dhiciyay dhismihii safaaradda ee dhowr iyo labaatan sano sharci daro lagu haystay iyo siduu xabsiyada ugu sii deyn jiray Soomaalida iyo gargaarkii uu u fidin jiray qaxootiga Soomaalida ee xerooyinka Dhadhaab iy Ifo.

