Amiirad Sacuudi ah oo loo maxkamadeynayo  fal yaab leh oo ay sameysay

Riyadh (Caasimadda Online) – Amiirad reer Sacuudi ah ayaa iyadoo aan joogin goobta dacwadda lagu maxkamadeynayaa magaalada Paris, ee Faransiiska.

Qareenka u doodaya amiiradda Xisa Bint salman, ayaa sheegay inay tahay “bani’aadan wanaagsan oo dadka kale aad u daryeesha”, kiiska loo haysta ee ah inay ilaaladeeda ku dalbatay in la garaaco qof u shaqeynayey uu yahay been-abuur.

Amiiradda ayaa maxkamad aysan goobjoog ka ahayn lagu oogay magaalada Paris ee Faransiiska, iyadoo loo haysto inay qeyb ka ahayd in la ciqaabo, isla markaana la afduubo muwaaddin dalka Masar u dhashay oo u shaqeynayey.

Arrintan ayaa dhacday bishii September ee sanakii 2016-ka.

Wakaaladda waraka ee Reuters, oo aragtay dacwadda laga gudbiyay amiiradda ayaa sheegtay in ninka shaqaalaha uu boliiska u gudbiyay dacwad ah in ilaalada boqorka uu xirxiray, garaacay kaddibna uu ku qasbay inuu lugaha ka dhunkado amiiradda, kaddib markii lagu eedeeyay inuu sawir kaga qaaday telefoonkiisa gacanta.

Dhaawacyada soo gaaray shaqaalaha ayaa u horseeday inuu shaqeysan waayo muddo siddeed maalmood ah, siday sheegtay wakaaladda wararka AFP.

Dacwadda kaddib ayaa la xiray ilaalada amiiradda isagoo lagu eedeeyay inuu gaystay jirdil, xatooyo iyo afduub.

Sida “eyga ayaa la ila dhaqmay”

Ninka dacwadda gudbiyay ayaa boliiska u sheegay in Amiiradda ay sida “eyga ula dhaqantay, marka la garaacayay”, waxayna igu tiri ayuu yiri “waxaan ku bari doonaa sida loola hadlo qof amiirad ah”.

Waxaa uu sheegay inuu sawir ka qaadanayay guriga uu ka shaqeeyo ka hor intaan lagu eedeyn inuu doonayay inuu sawirradaas ka iibiyo warbaahinta.

Amiira Xisa

Warbaahinta Sacuudiga ayaa waxay inta badan aad u ammaantaa Amiirad Xisa, taas oo ay ku tilmaamaan inay tahay samafale.

Sacuudiga iyo Faransiiska ayaa leh xiriir wanaagsan, inkastoo Madaxweyne Emmanuel Macron uu haatan difaacayo heshiiska quwadaha waaweyn iyo Iran, kaas oo uu Maraykanka ka baxay.

Dhowr jeer oo hore ayaa qoyska reer boqor ee Sacuudiga lagu maxkamadeeyay dalka Faransiiska.

Sanadkii 2013-ka, waxaa lala wareegay hantida Amiirad Maha Al-Sudeyri, oo ah xaaska wasiirkii arrimaha gudaha ee hore, Nayf Bin Cabdilcasiis, si loo bixiyo deyn uu huteel ku lahaa oo kor u dhaafayso $6m oo doollar.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
caasimada@live.com