Amiirkii kooxda Daacish oo lagu dilay dagaal ka dhacay…

Dimashaq (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii ururka Daacish Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi ayaa ku dhintay dagaal dhowaan dhacay, sida uu xaqiijiyey afhayeenka kooxdaas oo warbaahinta la wadaagay fariin cod ah oo la baahiyey Arbacadii, oo aan bixin faahfaahin intaas ka badan.

Al-Qurayshi ayaa noqonaya hoggaamiyihii labaad ee kooxda Daacish ee la dilo sannadkan gudihiisa, xilli ay kooxdani isku dayayso inay dib u soo celiso awoodeedii, iyada oo unugyo khaas ah oo ka tirsan kooxdani ay weeraro dhimasho badan dhaliya ka geysanayaan dalalka Ciraaq iyo Syria. 

Sidoo kale garabka kooxda Daacish ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa iyaguna bilahan u dambeeyey waxay sheegteen inay geysteen weeraro badan oo ay ku laayeen tobanaan qof.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in al-Qurayshi la dilay bartamihii bishii October, iyada oo lagu dilay hawlgal ay qaadeen ciidamada mucaaradka Syria ee ku sugan gobolka Koonfureed ee Daraa. Hase ahaatee illaa haatan lama garanayo sababta keentay inay bil iyo bar qaadato in la shaaciyo geerida hoggaamiyaha Daacish.

Afhayeen u hadlay ciidamada milateriga ee Maraykanka ayaa sheegay in aanay jirin ciidamo Maraykan ah oo ku lug yeeshay hawlgalkan.

Codka ay baahiyey ururka Daacish oo lagu baahiyey barta Telegram ayaan xog badan lagaga bixinin hoggaamiyaha cusub ee kooxda, hase ahaatee afhayeenka kooxdaas ayaa codka uu soo duubay ugu baaqay xubnaha ururku inay bayco la galaan hoggaamiyaha cusub.

“ISIS waxay weli tahay khatar weyn oo ka jirta gobolka,” sidaas waxaa sheegay taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka, iyaga oo intaas ku sii daray “Taliska dhexe iyo xulafadayadaba waxaa naga go’an in laga gulayso ISIS”.

Kooxda Xuquuqda aadahana ee dusha kala socota qulqulatooyinka Syria ee fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa bishii hore ee October waxay sheegeen in xoogaga mucaaradka Syria ee ku sugan gobolka Daraa inay dileen xubno ka tirsan ururka Daacish, iyaga oo sheegay in dadka la laayey ay ku jireen hoggaamiye u dhashay dalka Ciraaq.

Hoggaamiyihii Daacish al-Qurayshi ayaa ahaa shaqasi aan wax badan laga aqoonin, wuxuuna hoggaanka kooxda Daacish la wareegay bishii February ee sannadkan, ka dib markii ay Maraykanku dileen hoggaamiyihii hore ee Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi.

Waxaa la rumaysan yahay in magacyada ay qaateen labadan hoggaamiye inaanay ahayn kuwooda rasmiga ah.

AP, Reuters